Bogga 4 oo 4
|
Ogeysiinta Talaabada Dheeraadka -
DHS TNC | Taariiqda Bedelka 07/17/13
www.dhs.gov/E-Verify
OGOW XAQUUQDAADA
Boggaan waxay sheegtaa warbixin muhiim ah ee ku saabsan masuuliyadaha badrooniga iyo
xaquuqdaada.
• Badrooniyada waa in si degdeg ah kuu soo ogeysiiyaan, si gaar ah, oo Xaqiijinta Aan-la hubin (TNC).
• Badrooniyada waa in ay kuu ogolaadaan in aad ogolaatid TNC iyo laga yaabo in aysan qaadin talaabo
dhibaata ah ee kaa soo horjeeda sababtoo ah TNC adigoo ogolaanayo TNC iyo dacwada E-Verify
waa la sugayaa.
• Waxaad haysataa 8 maalmood oo shaqada Dawlada Federaalka oo aad ku booqatid goobta xafiiska
SSA iyo la xitriir DHS si aad u ogolaatid TNC oo ka bilaabaneyso taariiqda badroonigaada uu
ugudbiyay dawcada E-Verify.
• Badrooniyada waa in aysan kuu takoorin sabab la xiriirta muwaadinnimada, heerka socdaalka, ama
asalka wadanka.
• Badrooniyada ma isticmaali karaan dooqyada E-Verify ama baaritaan hore oo codsadayaasha
shaqada. E-Verify waa in loo isticmaalaa dhammaan shaqaalaha cusub oo aan laga eegin
muwaadinmada, heerka socdaalka, ama asalka wadanka.
• Badrooniyada ma isticmali karaan E-Verify si ay u xaqiijiyaan shaqaalaha hore, ilaa badrooniga uu
hadeer ka yahay qandaraasle federaalka ah oo ay la jirto Xeerka Qaadashada Fedaraalka (FAR) E-
Verify Qandaraaska oo heshiiska fedaraalka ah.
• Badrooniyada waxaa laga rabaa in ay si cad usoo bandhigaan ‘Ogeysiinta E-Verify Ka soo qeybgalka’
iyo ‘Xaquuqda loogu Shaqeynayo’ qoraalo luuqadaha ah oo ay ku deegdo DHS oo dhan.
• Badrooniyada way joojin karaan shaqaalaha sababtoo ah TNC kaliya marka ay helaan Ugu
dambeyntii Aan-la hubin, ama marka shaqaalaha uu go'aansado in uusan ogolaanin TNC.
• Badrooniyada laga yaabo in aysan isticmaalin E-Verify in ay dib uga xaqiijiyaan shaqaalaha horay
ujiray oo ogolaanshaha shaqadooda uu dhacay. Bedelkii, badrooniyada waa in ay dhameystiraan
Qeybta 3 oo Nooca I-9, Xaqiijinta Xaq u lahaansha Shaqada, ama dhameystir Foom cusub I-9.
Wixii Warbixin Dheeraad ah
Hadii aad qabtid wax su'aalo ah oo ku saabsan waxa la sameeyo, kala xiriir E-Verify 888-897-7781 (TTY:
877-875-6028) ama i-meelka E-Verify@dhs.gov
. Hadii aad ubaahantahay caawin luuqada oo aan ka
aheyn Ingiriis, waxaad weydiin kartaa turjubaan wakiilka macaamiilka E-Verify. Wixii warbixin dheeraad ah
oo E-Verify, oo ay ku jitraan dhaqanka arimaheena gaarka ah iyo sharciyada barnaamijka, ka
booqo websaydka E-Verify
www.dhs.gov/E-Verify.
Soo wargeli Xadgudubyada
Hadii aad aaminsantahay badroonigaada in uu ku xadgudbay sharciyada E-Verify, ama kugula dhaqmay
qaab aan cadaalad aheyn, waxaan kuugu dhiiro gelineynaa in aad soo wargelisid. Wargelinta isticmaal
qalad ah oo E-Verify, oo ay ku jiraan xadgudubka arimaha gaarka ah, iyo guud ahaan cabashooyinka E-
Verify, la xiriir E-Verify Qadka Shaqaalaha 888-897-7781 (TTY: 877-875-6028) ama i-meel
E-
Verify@dhs.gov.
Si aad usoo wargelisid takoorida shaqada oo ku saleysan muwaadinnimada, heerka socdaalka, ama
asalka wadanka, la xiriir Waaxda Cadaalada, Qeybta Xaquuqda Shicibka, Xafiiska La talinta Gaarka ah oo
Socdaalka-La xiriiro Dhaqamo aan Daacad aheyn (OSC) 800-255-7688 (TTY:800-237-2515). Turjubaanka
luuqada waaloo heli karaa dhammaan wacayaasha. Wixii warbixin dheeraad ah, booqo websaydka OSC
www.justice.gov/crt/about/osc.
Illaali Aqoonsigaada
hadii aad rabtid in aad wax badan ka baratid xatooyada aqoonsiga ama qiyaanada iyo talaabooyinka ugu
fudud oo aad qaadi kartid si aad u ilaalisid nafsadaada, booqo ftc.gov/idtheft.